Kumanaan Qof Oo Qassem Soleimani U Baroor-Diiqaya Oo Baqdaad Isugu Soo Baxay

Baqdaad, (HCTV) – Kumanaan qof oo u baroor-diiqaya Taliyihii Ciidamada qaybta Ilaalada Kacaanka ee Quds Force iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis iyo lix kale oo shalay la dilay, ayaa isugu soo baxay magaalada Baqdaad ee Caasimada dalka Ciraaq.

Dadkan Kumanaanka ah ayaa xidhnaa dhar madow iyagoo sitay calanka kooxda awooda ee Hashd al-Shaabi (Popular Mobilisation Forces or PMF), waxaanay dadku isugu soo urureen macbid shiicadu ku leedahay Kadhimiyya oo ku yaala gudaha Baqdaad.

Soleimani, oo ahaa madaxa ciidamada caanka ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee ‘(IRGC) ayaa saamayn ku lahaa gobolka, kaas oo lagu dilay horaantii jimcihii meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad kadib markii weerar dhinaca cirka ah oo uu amray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump lagu qaaday.

Taliyihii ugu sareeyay ciidamada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, oo lataliye u ahaa Soleimani, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka.

Weerarkan ayaa yimid maalmo uun kadib markii xubnaha Hashd iyo taageerayaashu isku dayeen inay weeraraan safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, iyagoo ka cadheysnaa weerarrada cirka ee Mareykanka uu ku qaaday kooxda Kataib Hezbollah – oo xubin ka ah urur dalladda ah oo – kala jooga Ciraaq iyo Suuriya. Al-Muhandis wuxuu ka mid ahaa dadkii badnaa ee xubnaha PMF iyo taageerayaashooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.