Trump Oo Sheegay In Dilka Qaasim Sulaymaani Lagu Joojinayey Dagaal Ka Dhan Ah Maraykanka

USA (HCTV) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in sababta uu Maraykanku u dilay Hoggaamiyihii ugu sarreeyay Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN Qaasim Sulaymaani ay tahay inay joojiyaan dagaal, laakiin aanay ahayn inay Dagaal bilaabaan.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayey duqayn Ciidammada Maraykanku ku dileen Qaasim Sulaymaani oo Shalay ku dhintay gantaal ay ku rideen Ciidammada Maraykanku ayaa sheegay in Qaasim uu qorshaynayey weerarro ka dhan Danaha Maraykanka, laakiin haddii la dilay uu dhamaaday wakhtigii Argaguxu.

Sulaymaani ayaa madax ka ahaa howgallada Iiraan ee Bariga Dhexe oo waxa uu hoggaamin jiray ciidammada Qudus. Iiraan ayaa waxa ay wacad ku martay in “si adag uga aargoosan doonto” kuwii ka dambeeyay geeridiisa.

Dilka ayaa waxa uu imanayaa xilli ay sare u sii kacaysay xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in taxadar ahaan ilaa 3,000 oo ciidamo dheeraad ah loo diri doono Bariga Dhexe.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka