Al-Shabaab Oo Weerartay Saldhig Milatari Oo Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Maraykan Iyo Kenyan Ahi

Lamu, (HCTV) – Ururka Al-shabaab ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaala Lamu oo ka tirsan Kenya, saldhigan milatari ayaa waxa isticmaalayey xubno milatari Kenyan iyo Maraykan isugu jira.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in afar dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab ay dhinteen ka dib markii waabarigii saakay ay weerareen saldhiga ciidamada badda ee Manda-Magogoni ee kuyaala Gobolka Lamu.

Milatariga Kenya ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka ee ku sugnaa saldhiga la wareeray. Waxaanay intaasi ku dareen Al-shabaab in 5-kii subaxnimo ee saaaka ay weerar ku qaadeen Manda Air Strip, oo ah saldhigga ciidamada badda Kenya iyo ciidamada Maraykanka.

Dagaalyahanada Shabaab ayaa isku dayayay in ay galaan xerada militari oo ay ku sugnaayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Diyaaradaha ciidanka difaaca Kenya ayaa weerarkaan uga jawaabay bambooyin. War qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamadooda.

Kooxda Shabaab ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Hindi. Waxaa la sheegay inay gooyeen isgaarsiinta ka hor inta aysan bilaabin weerarkooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.