30 Qof Oo Ku Dhintay Is-jiidh ka dhacay Aaskii Qasem Soleimani

Ciraaq (HCTV) – Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku dhintay Is-jiidh ka dhacay Aas loo sameeyay Maanta Taliyihii Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, Qasem Soleimani, sida ay Baahisay Warbaahinta IRAN.

Sidoo kale, 40 Qof ayaa ku dhaawacmay is-jiidhka ka dhacay deegaanka Kermin oo uu ka dhacayo Aaska Qasem Soleimani, Salaasada Maanta.

Qasem Soleimani ayaa lagu aasay Deegaankiisa Kerman, halkaasi oo intii ay socotay diyaar-garowga Aaskiisu ay Jidadka isugu soo baxeen Malaayiin Qof oo ka soo jeeda shiicada IRAN iyo Ciraaq, kuwaasi oo Aaskiisa ka qayb-galay.

Ninkan oo diyaaradaha Drons-ka ee Maraykanku ku dhufteen Gantaal, ayaa Geeridiisu waxay sababtay Cabsi ah in dagaal ka dhex qarxo Dawladaha Maraykanka iyo IRAN.

Soleimani ayaa ahaa Ninka labaad ee awood ahaan ku soo xiga Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee IRAN, Khamenei.

Maraykanka ayaa Soleimani u arkay Argagixiso dhibaato ku ah, taasi oo keentay inay hab Shirqool ah u dilaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka