Agaasime Xirgeeye Oo Faahfaahin Ka Bixiyey 10 Qof Oo Shuban Ugu Geeriyooday Widh-Widh

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa shaacisay in 10 qof maalmihii u dambeeyey ay Shuban Biyood iyo Oof-wareen ugu geeriyoodeen deegaamo ka tirsan Buuhoodle.

Agaasime Xergeeyo oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhakhaatiir iyo hawlwadeeno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland xaaladaha caafimaad daro ee ka soo kordhay deegaamadaasi Buhoodle.

“Xanuunku waxa uu ka bilaabmay Widh-widh oo run ahaantii dad u badan caruur la keenayey ilaa dabayaaqadii bishii December, dad badan ayaa la keenay oo runtii usoo dhacay gaar ahaan xanuun Xumadd, Shuban iyo Oofwareen ah.

Xanuunadaasi waxay ahaayeen xanuuno xumadd xoogle iyo oofwareen uu ka dilaacay magaalada Widh-widh iyo hareeraheeda oo xanaanadii Widh-widh (MCH) la keenay dad aad u farabadan oo awoodiisa ka badan.

Markaa Wasaarada Caafimaadku way ka hawlgashay, waxaanu uga hawlgalnay inaanu xaruntana dawooyinka ka dirno, dad khubaro ah oo xanuunkaasi soo darsana aanu u dirno, gobolada u dhawdhaw oo uu ku jiro Buuhoodle iyo Laascaanood labadaba laga diro kooxo dhakhaatiir ah.

Waxoogaa dhimasho 10 qof ahina ay timid, waxa hadana jirtay in guud ahaan marka la eego dadkii tirade badnaa ee imanayey in si wanaagsan loo daaweeyey, gacantana lagu qabtay xaaladihii, sida ay noo sheegeen dhakhtarku ay hoos u soo dhacayso oo xaaladda Widhwidh ay soo hagaagayso,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Maxamed Cabdi Xirgeeye.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.