NATO Oo Bilawday Inay Ciidamadooda Kala Baxaan Ciraaq

Brussels, (HCTV) – Isbahaysiga Gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay inay xubno saraakiil tababarayaal ah ay kala baxayaan dalka Ciraaq, sida lagu sheegay war ka soo baxay saraakiil ka tirsan NATO.

Talaabadan NATO ay ciidamadeeda ku sugan Ciraaq ay kagala baxayso ayaa daba-socota cabsi xoogle oo ka soo fool-leh gobolka kadib markii Maraykanku ay weerar cirka ah ay ku dileen Taliyihii ugu sareeyey milatariga dalka Iran todobaadkii la soo dhaafay.

“Waxaanu ula baxaynaa xaaladd amaan oo daruuri ah si aanu u ilaalino badqabka dadkayaga. Waxaana arintan ka mid ah in si kumeel-gaadh ah aanu uga saarno ama ugu wareejino qaar ka mid ah ciidamada meelo gudaha Ciraaq ah iyo dibada dalkaasi,” sidaasi ayuu wakaalada Wararka ee Reuters uu u sheegay sarkaal ka tirsan Natio.

Hawlgalka Iraq ee NATO, ayaa abuuray in dhawr boqol oo tababarayaal ah iyo la taliyeyaal iyo shaqaale kale ay ka yimaadaan dhamaan dalalka 29-ka dale e xubnaha ka ah isbahaysiga NATO iyo kuwo kale oo aan ku jirin NATO, oo ay ka joogaan Milatari iyo xubno kale oo shaqaale rayid ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.