Tirada Dhimashada Is-Jiidh Ka Dhacay Aaskii Qaasim Solaymaani Oo Gaadhay 56 Qof

Kerman, (HCTV) – Tirada dadkii ku dhintay Is-jiidh ka dhacay Aas loo sameeyay Maanta Taliyihii Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Qasem Soleimani oo dhawaan Maraykanku uu duqayn ku dilay ayaa gaadhay 56 qof, sida ay baahisay warbaahinta dalka Iran.

Aaskan loo samaynayey Taliyihii ugu awooda badnaa dalka Iran ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay dad tiro badan tahay 200 qof oo is-jiidhay markii uu aasku ka dhacayey magaalada Kerman.

Qasem Soleimani ayaa lagu aasay Deegaankiisa Kerman, halkaasi oo intii ay socotay diyaar-garowga Aaskiisu ay Jidadka isugu soo baxeen Malaayiin Qof oo ka soo jeeda shiicada Iran iyo Ciraaq, kuwaasi oo Aaskiisa ka qayb-galay.

Ninkan oo diyaaradaha drone-ka ee Maraykanku ku dhufteen Gantaal, ayaa Geeridiisu waxay sababtay Cabsi ah in dagaal ka dhex qarxo Dawladaha Maraykanka iyo Iran.

Soleimani ayaa ahaa Ninka labaad ee awood ahaan ku soo xiga Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Khamenei.

Maraykanka ayaa Soleimani u arkay Argagixiso dhibaato ku ah, taasi oo keentay inay hab Shirqool ah u dilaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.