Somaliland: Urur Walaac Ka Muujiyey Geel Faro Badan Oo Dawladda Australia Laynayso.

Hargeysa (HCTV) – Ururka Geellayda Somaliland ayaa walaac ka muujiyay geella ay dawladda Australia ku laynayso dalkeeda, iyagoo ugu baaqey dhammaan madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo sidii geelaas loo badbaadin lahaa.

War-saxaafadeed ay Maanta soo saareen Ururka Geelayda oo Fadhigoodu yahay Hargeysa ayaa waxay ku bilaabeen sidan “Ururka dhaqashada Geela iyo soo saaridda caanaha Geela Somaliland, waxaa uu aad uga xunyahay dilka 10 kun oo neef oo Geel ah oo ku nool wadanka Australia, waxaana uu halkan Baaq uga dirayaa Madaxdda Dawladda Australia inay dilkaasi si degdeg ah u joojiyaan, kana fekeraan siyaabo kale oo loo xalin karo Dhibaatada uu Geelaasi ku hayo degaanka ee ay ka walaacsan yihiin Madaxda Waddanka Australia.

Geelu, waxaa uu Bulshada Somalida ugu jiraa kaalinta Labaad ee noolaha, waxaana ku tiirsan Nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, iyaga oo so weyn ugu tiirsan caanihiisa iyo cadkiisa.

Waxaa kale oo ururku Baaq u dirayaa madaxda kala duwan ee Somalida, aqoon-yahanka, Saxaafadda iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo codkiisa la maqli karo, in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay arintaa ugu xun yihiin.

Ururku waxaa uu aamisan san yahay in geelaasi assal ahaan uu ka soo jeedo dhulka Soomaalida oo ah kan uu ku dhaqan yahay Geela Adduunka ugu badani, sidaa awgeed ay tahay in geelaasi dawladda Australia ku soo celiso dhulalka Soomaalida si uu u helo daryeel, iyo si Bulshada Soomaalidu uga faa’iideysato.

Madaxda Soomaalida, iyaga oo cod mid ku hadlaya waa inay ka hawlgalaan sidii Geelaa loogu soo celin lahaa dhulkiisii markii horeba laga xabaadhay.

Ugu Dambayn Ururku waxaa u soo jeedinayaa in Somalida ku dhaqan Australia ay ka hawl galaan sidii ay maamulka dalkaas u gaadhsiin lahaayeen dareenkan iyo sidii looga fekeri lahaa keenista xal kale oo lagaga kaaftoomo dilka Geela..”

Allaa mahad leh.

Mustafa Ali Duale

Gudd. Ururka dhaqashada Geela iyo soo saaridda Caanaha Geela.

Hargeisa Somaliland