Tirada Dad Ku Dhintay Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Qarax ayaa ka dhacay Gelinkii hore ee Maanta isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku dhintay, 6 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay xilliga qaraxu dhacay iyo kuwa gaadiidkooda ku jiray oo ku sugnaa goobta wax lagu baadho.

Isgoyska Sayidka ayaa ka mid ah Kaantaroollada la sugo ammaanka madaxtooyada Soomaaliya, loomana ogola in gaadiid aan baadhitaan lagu sameyn oo la hubin inuu ka gudbo halkaas.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in wakhtiga qaraxu dhacayay ay goobtu ahayd mid mashquul ah oo gaadiid badani ku jireen safka baadhitaanka.

Weli ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxa Saddexda qof ku dhinteen ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka