IRAN: 176 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Burburtay (Akhri)

Tehran (HCTV) – 176 Qof ayaa dhintay, ka dib markii diyaarad ay la socdeen oo ka duushay Magaalada Tehran ee Xarunta Jamhuuriyadda IRAN ay burburtay.

Diyaaraddan oo laga lahaa Dalka Ukrain isla-markaana ku sii jeeday Caasimadda Dalkaasi ee kiev ayaa dhacday wax yar uun ka dib, markii ay ka duushay Garoonka diyaaradeed ee Imam Khomeini ee Magaalada Tehran, waxaana ku dhintay Dhammaan Dadkii la socday oo Tiradoodu ahayd 176 Ruux.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa Boeing-737 ayaa sida Masuuliyiinta IRAN sheegeen aan la helin fursad Cid uun laga bedbaadiyo.

Safaaradda Ukraine ee Magaalada Tehran oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in diyaaraddu burburtay markii mishiinkeeda Cilladi ku timid, laakiin markii dambe War-saxaafadeedkaasi way ka saareen Bogga ay ku leeyihiin Interne-ka.

Dadka ku dhintay 80 ka mid ah ayaa u dhashay IRAN, halka 63 Qof oo kalena u dhasheen Dalka Kanada.

Sidoo kale, 11 baa u dhashay Ukrain, 10 Sweden, 4 Afghanistan, 3 UK, 3 Jarmalka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay burburka diyaaraddan, laakiin waxay ku soo beegmaysaa Saacada uun ka dib markii Iran ay dhowr Gantaal ku ridday Saldhig Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Dalka Ciraaq.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka