Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Xeerar Ansixiyey Maanta (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Fadhigoodii Khamiista Maanta waxay ku ansixiyeen Xeerar kala duwan.

Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.

Ugu horrayn waxa fadhiga maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu ku soo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah:

  1. Xeerka
  2. Xeerka maalgashiga…”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.