SOLJA Oo Ka Hadashay Xukun Caddaalad-darro Ah Oo Maxkamadda Maroodi-jeex Ku Ridday Tifaftiraha HCTV

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta xukun ku ridday Tifaftiraha Telefiishanka HCTV, Cabdiqaadir Saleebaan Casayr. 

Maxkamadda ayaa Tifaftire Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) ku xukuntay Hal sano oo Xadhig ah iyo 3 Milyan oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka hadlay xukunka tifaftiraha HCTV ayaa sheegay inay ka xun yihiin in xeer ilaalinta Gobolku ay rafcaan ka qaadato xukunka Maxkamaddu soo saartay, iyadoo buu yidhi doonaysa in xukunka loo dheereeyo Cabdiqaadir Coday oo xilligan aanay Xaaladdiisa caafimaad wanaagsanayn.

Guddoomiye Xuuto wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay ka waantowdo qorshaha ay ku doonayso inay ku cadaadiso Tifaftiraha HCTV.

Warkaasi oo Muuqaal ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka