Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Tifaftiraha HCTV

Hargeysa, (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun ku riday Tifaftiraha HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday) oo mudo laba bilood ah ku xidhnaa xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa ee CID-da loo yaqaano.

Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay Tifaftire Cabdiqaadir Coday, Hal sano oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somaliland Shiling ah oo ganaax ah.

Xukunkan Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ay ku riday Tifaftiraha HCTV ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu yidhi “Maanta waxa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay xukun ku riday Tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Coday, kaas oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, iyadoo damaanadii nalaga diiday in lagu siidaayo Cabdiqaadir Coday.

Maanta ayaa dacwadii dhagaysigeedu mudada labada bilood ah soo socday ay maxkamaddu go’aan ka gaadhay, waxa ay maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo saddex milyan oo ganaax ah, runtii urur ahaan waanu soo dhaweynay xukunkaasi, sifo kasta markii hore ha ku qaldanaadee ama ha loo maree, xukunkaasi waanu soo dhaweynay. Waxaananu doonaynay in aanu marno nidaamka aanu Cabdiqaadir Coday hawshiisa ku dhamayn lahayn, hase yeeshee waxa isla markiiba racfaan ka qaatay go’aankii maxkamadda, Xeer-ilaalinta, taas oo marka nidaamka sharciga ah la eego ay xaqu u leedahay hadii aanay ku qancin xukunkaasi, si anaguba hadii aanu u arkayno in aanu xukunkaasi noo cuntamayn aanu racfaan uga qaadan lahayn.

Hase yeeshee waxaanu u aragnaa talaabo xukuumaddu ay qaado oo adag ay tahay, markii horeba anaga oo u arkaynay in xukunkaasi sifihii hore ee loo maray aanu sharci ahayn,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

https://www.youtube.com/watch?v=PDv1fVUi4b8