Iran Oo Qiratay In La Soo Riday Diyaaradii Dalkeeda Ku Burburtay

Tehran, (HCTV) – Dowlladda Iiraan ayaa sheegtay in aanay si ula kac ah ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine ee ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa.

War laga sii daayay ama laga baahiyay saakay Warbaahinta dalka Iran ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay si kama’ ah ama burburka diyaarada uu ka dhashay”khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Waxaanay dawladda Iran ay sheegtay in dadkii masuulka ka ahaa falkaasi lagu soo riday diyaarada rakaabka siday lala xisaabtami doono, sida bayaan laga baahiyay telefishinka Iran lagu sheegay.

Hase yeeshee Iran ayaa hore u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiran riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhamaa 176.

Dalalka Maraykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay hore u sheegay in diyaarada ku burburtay Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.