Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ka degay goor dhaw magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo oo saakay ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal, iyo arrinta xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay safarkii uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmaya dhiggiisa Jabuuti, iyagoo ka wada hadlaya arrinta gobolka Geeska Afrika iyo is bedelada u dambeeyay ee ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dadaal u gali doonto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladdaha Jabuuti iyo Ertirea, waxaana socdaalka madaxweynah uu imanaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaadheen wafdi ka socday dalka Eritrea.

Jabuuti ayaa dhowaan walaac ka muujisay hadal Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Source Hiiraan