Madaxtooyada Somalia Oo War Ka Soo Saartay Kulan Dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Eritrea

Muqdisho, (HCTV) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan magaalada Asmara ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Eritrea Asaias Afwerki.

Madaxweynaha Somalia ayaa maalintii shalay socdaal rasmi ah ku tagay dalka Eritrea kadib markii uu Martiqaad ka helay Madaxweynaha dalka Eritrea, kuwaas oo magaalada Asmara uu kulan ku dhexmaray.

Warka ay ka soo saartay Madaxtooyada Somalia kulankaasi labada hoggaamiye dhexmaray ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu  ka helay madaxweyne Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.