Dibadbaxyo Ka Bilaabmay Tehran Kadib Ku Lug-lahaanshihii Toogashada Diyaarada Rakaabka

Tehra, (HCTV) – Kooxo dibadbaxayaal ah oo reer Iran ah ayaa ka dalbaday Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei inuu Is-casilo kadib markii Tehran sheegay in millaterigoodu uu si khaldan u duqeeyeen diyaarad Ukraine, taas oo ay ku dhinteen 176 qof oo saarnaa diyaaradda.

“Hoggaamiyaha guud [Khamenei] is-casilay, is-casilay,” ayay ku dhawaaqayeen dadka oo ka muuqday muuqaalo la soo dhigay Twitter-ka, kuwaas oo muujinaya boqolaal dad ah oo ku dibadbaxaya afaafka hore ee jaamacada Amir Kabiri.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in booliiska Iran ay kala eryeen ardaydii ku dhawaaqayay halku dhigyo “xagjir ah” intii lagu jiray isu soo baxa Tehran.

Ardayda ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo lagu dhaleeceynayo dawladda oo ahaa “Beenaalayaal” waxayna dalbanayeen is-casilaad iyo in la maxkamadeeyo kuwa mas’uulka ka ah soo ridida diyaaradda oo la sheegay inay qariyeen ficilkii shilka ahaa markii hore.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.