Nigeria: Shaqaale Qaramada Midoobay Laga Afduubay Oo La Siidaayey

Nigeria: Shaqaale Qaramada Midoobay Laga Afduubay Oo La Siidaayey

Guddi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Loo Diray Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa .
Hargeysa: Nin Mindi Ku Weeraray Arday Dugsi Kasoo Baxay
Siyaasi Duur Oo Kahadlay Arimaha Geeska Iyo Isbedelada Deg Dega Ah Ee Ka Socda.
Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Boorama Laga Soo Dhaweeyay.
Warbaahinta Caalamku Siday Uga Hadashay Geerida Xaajigii Ugu Da’da Weynaa Somaliland

Nigeria (HCTV) – Koox dablay ah ayaa siidaayey Saddex Qof oo Shaqaalaha Gargaarka ah iyo Dad kale oo Shacab ah, kuwaasi oo ay Afduub u haysteen illaa bishii December ee sannadkii hore, sida laga soo xigtay masuul ka mid ah qaramada Midoobay.

Dadka la siidaayey ayaa la afduubay 22-kii bishii December, 2019, ka dib markii Dablayda oo iska dhigaya Ciidammada amnigu joojiyeen Kolonyo gaadiid ah oo ku socday Maiduguri oo ah Caasimadda Gobolka Waqooyi-bari ee Borno.

“Waxaan ka Mahad-celinayaa in siidaayey Dad Shacab ah oo ay ku jiraan 3 Shaqaalaha Gargaarka ah, kuwaasi la afduubay iyagoo ku kala safraya Jidka Monguno – Maiduguri , 22-kii December, 2019..” ayuu yidhi, Madaxa Hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay jooga Nigeria Edward Kallon.

Kooxaha Islaamiinta ee Dagaallada ka wada Waqooyiga Nigeria oo sii kordhaya, ayaa illaa sannadkii 2007-kii dilay 35,000, taana waxa dhalatay Barakac Dad gaadhaya 7.1 Milyan Qof oo gargaar bani-aadamnimo u baahan.

Boko Haram oo doonaysa inay Gobolka Waqooyi-bari ee Nigeria ka goyso Dalka intiisa kale.

Edward Kallon waxa kale oo uu sheegay in intii sanadihii 2018-2019 ay ahayd wakhtigii ugu adkaa ee soo mara hawl-wadeennada Qaramada Midoobay, naftoodana ay halkaa ku waayeen illaa 12 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: