Nigeria: Shaqaale Qaramada Midoobay Laga Afduubay Oo La Siidaayey

Nigeria (HCTV) – Koox dablay ah ayaa siidaayey Saddex Qof oo Shaqaalaha Gargaarka ah iyo Dad kale oo Shacab ah, kuwaasi oo ay Afduub u haysteen illaa bishii December ee sannadkii hore, sida laga soo xigtay masuul ka mid ah qaramada Midoobay.

Dadka la siidaayey ayaa la afduubay 22-kii bishii December, 2019, ka dib markii Dablayda oo iska dhigaya Ciidammada amnigu joojiyeen Kolonyo gaadiid ah oo ku socday Maiduguri oo ah Caasimadda Gobolka Waqooyi-bari ee Borno.

“Waxaan ka Mahad-celinayaa in siidaayey Dad Shacab ah oo ay ku jiraan 3 Shaqaalaha Gargaarka ah, kuwaasi la afduubay iyagoo ku kala safraya Jidka Monguno – Maiduguri , 22-kii December, 2019..” ayuu yidhi, Madaxa Hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay jooga Nigeria Edward Kallon.

Kooxaha Islaamiinta ee Dagaallada ka wada Waqooyiga Nigeria oo sii kordhaya, ayaa illaa sannadkii 2007-kii dilay 35,000, taana waxa dhalatay Barakac Dad gaadhaya 7.1 Milyan Qof oo gargaar bani-aadamnimo u baahan.

Boko Haram oo doonaysa inay Gobolka Waqooyi-bari ee Nigeria ka goyso Dalka intiisa kale.

Edward Kallon waxa kale oo uu sheegay in intii sanadihii 2018-2019 ay ahayd wakhtigii ugu adkaa ee soo mara hawl-wadeennada Qaramada Midoobay, naftoodana ay halkaa ku waayeen illaa 12 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka