Suuriya: Tiro Ka Badan 20 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Gobolka Idlib

Idlib, (HCTV) – Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay, 82 kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay gobolka maleeshiyaadka Suuriya ay ku xoogan yihiin ee Idlib, kadib markii ciidamada dawladda Suuriya iyo Isbahaysigooda Ruushku ay weerar dhinaca cirka ah ay ku bartilmaameedsadeen Waqooyi-galbeed ee dalkaasi, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka degdega ah ee ka hawlgala dhulka mucaaridku ay ku sugan yihiin.

Heshiis xabad-joojin ah oo u dhexeeyey Ruushka iyo Turkiga, oo ay taageereen dhinaca ka soo horjeeday ee dagaalka Suuriya ee sideeda sano socday lagu soo afjarayey, ayay dagaalo ka sii socdaan.

Kooxda difaaca shacabka Suuriya, oo sidoo kale loo yaqaano the White Helmets, ayaa sheegay in weerarkani lala beegsaday baabuur ku sugnaa suuqa khudaarta ee magaalada Ariha maanta oo Arbaca ah.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyooday suuqa oo kaiya haka tiro kaena ay ku dhinteen dukaamo meesha u dhawaa, sida uu warbaahinta u sheegay Axmed Sheikho oo ah mutadawac u shaqeeya kooxda difaaca shacabka Suuriya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.