Gobolka Hawd Oo Qabtay Gaadhi Iyo Laba Taangi Oo Lagasoo Dhacay Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Baligubadle, (HCTV) – Ciidamada bileyska ee gobolka Hawd ayaa gacanta ku xidhay gaadhi weyn oo siday laba taangi oo nooca biyaha ah.

Taangiyadan oo ay sheegeen ciidanka Booliska gobolka Hawd  in ay soo xadeen niman dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Hawd, kuwaas oo taangiyadaasi biyaha kala soo talaabay dhinaca Dawadd Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Hawd ayaa isla habeenimadii xalay ku wareejiyey Taliyaha ciidamada Bileyska ee degmada Xarshin ee dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo agabkii saarnaaba, waxaanu ka waramay Taliyaha Ciidamada Bileyska gobolka Hawd sida ay u qabteen gaadhigaasi iyo agabka saaran ee la soo dhacayba.

“Ciidanka Bileyska ee gobolka Hawd gaar ahaana saldhiga Baligubadle, taliyaha saldhiga iyo ciidankiisuba waxa ay qabteen oo ay gacanta ku dhigeen gaadhi ka soo talaabay dhinaca Itoobiya, isla markaana siday laba taangi oo waaweyn oo kuwa waaweyn ah ee konton kontanka foosto qaada. Waxa halkaasi lagu qabtay tuugii soo qaatay iyo darawalkii gaadhiga shaanbooga ah waday.

Imika saacadaa la taagan yahayna waxaan doonayaa haddii alle yidhaa, Aniga oo taliyihii qaybta ah inaan ku wareejiyo maamulkii Itoobiya oo uu ka midka yahay hoggaanka nabadgalyada Cabdixasan Kaahin, guddoomiyaha Qabalayga ee Cali Sagal iyo guddoomiye ku xigeenka, waxa kale oo halkaa ila jooga oo aan furigii iyo alaabtii iyo qalabkii laga soo qaatay doonayaa inaan ku wareejiyo, Taliyaha Saldhiga Xarshin, Damme, Daahir Ciise Aadan,” ayuu yidhi Taliyaha Qaybta ee Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.