11 Askari Oo La Sheegay In Maraykanka Ay Kaga Dhaawacmeen Weerarkii Gantaalada Iran Ee Ciraaq

Baqdaad, (HCTV) – Maraykanka ayaa 11 ka mid ah ciidamadooda ka daweeyay astaamo miyir-beel ah ka dib markii gantaalo ay Iran ay la beegsadeen saldhig Ciraaq oo ay ku sugnaayeen ciidamada Maraykankanku, sida ay sheegeen saraakiil ka mid ah militariga Maraykanka, inkastoo markii hore Maraykanku uu sheegay in aanay jirin cid waxyeelo ka soo gaadhay gantaaladii Iran ay ku garaacday saldhigyadooda Ciraaq

Weerarkii 8-dii January oo ahaa aargudasho lagu sameeyay duqeyn diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayni ay ku dishay January 3, taliyihii Iran ee Qassem Soleimani, oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo milatariga Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka soo gaadhay weerarka ka dhacay Ain al-Asad ee galbeedka Ciraaq iyo xarun ku taal waqooyiga Kurdiyiinta.

Xilliga weerarku dhacay ayaa waxa joogay in badan 1,500 oo askarta Maraykan ah oo ku sugnaa saldhiga waxaa lagu tuuray meelaha ay ku yaalliin, ka dib digniin hore oo laga siiyay madaxda sare.

“In kasta oo aan xubin ka tirsan Adeegga Maraykanka lagu dilin weerarkii January 8-dii ee lagu qaaday Saldhiga diyaaradaha ee al-Asad, dhowr ayaa laga daaweeyay calaamadaha miyir-doorsoonka ee qaraxii walina waa la qiimeynayaa,” ayuu yidhii Kabtan Bill Urban, oo ah Afhayeenka Taliska Dhexe ee Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.