Warbaahinta Turkiga Oo Sheegtay In La Dilay 40 Ka Mid Ah Al-shabaab

Somaliya (HCTV) – In ka badan 40 ka mid ahaa Mitidiinta Al-shabaab ayaa waxa dilay Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya, sida laga soo xigtay Masuuliyiin.

Janaraal Mohamed Ahmed Taredishe ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ka midka ahaa la dilay, ka dib markii ay soo weerarreen Saldhig Ciidan oo ku yaalla Shabeelaha dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Al-shabaab laga dhaawacay in ka badan 30 xubnood, intii uu socday dagaalka saldhiggaasi ku dhex maray Dagaalyahannada Al-shabaab iyo Ciidammada Dawladda Soomaaliya (SNA), sida Wakaaladda Wararka ee Turkigu ka soo xigatay Idaacadda Millateriga Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 4 Askari ay Dagaalkaasi kaga dhinteen Ciidammada Dawladda, halka saddex kalena kaga dhaawacmeen.

Marka la kala qaado, Hawl-gallo Maamul-gobolleedka Jubbaland kula dagaalamaya Al-shabaab ayaa lagu khaarajiyey 8 Xubnood, sida Ciise Maxamuud oo ka mid ah Millaterigu u sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka