Yemen: 70 Askari Oo Lagu Dilay Gantaal Lala Beegsaday Xero Lagu Tababarayey Milatari

Marib, (HCTV) – Weerar lagu qaaday xero lagu tababaro militariga oo ku taal gobolka Marib ee dalka Yemen ayaa lagu dilay ugu yaraan 70 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada halka lagu dhaawacay tobaneeyo kale, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amaanka ah.

Weerarka oo dhacay xili dambe oo Sabtidii “Ayaa lagu geystay saddex gantaal”, kuwaas oo bartilmaameedkoodu ahaa isu-soo-bax ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo bakhaar hub lagu keydiyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi dhimashada badan sababay, hase yeeshee telefishanka Sacuudiga ayaa ku eedeeyey maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo difaac kaga jira dagaal sannado badan socday oo ay kula jiraan ciidamada dowladda oo ay taageerayaan isbaheysiga milatariga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Telefishinka Al Ekhbariya ayaa soo xigtey ilo wareedyo sheegaya in weerarka lagu qaaday gantaalada loo yaqaano ballistic missiles-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, halkaana lagu dilay 70 ka mid ah askarta milatariga laguna dhaawacay tobaneeye kale.

Dhanka kale, ilo laga helayo cusbitaalada ku yaal magaalada Marib ayaa sheegaya in dadka halka weerarku ka dhacay laga soo qaaday ay gaadhayaan 70 askari oo dhimasho ah.

Weerarkan lagu qaaday xerada tababarka milatariga ayaa daba socday weeraro joogto ah oo ciidamada Sacuudiga ay taageerayaan lagu qaaday oo Houthiyiintu ay ku bartilmaameedsanayaan bariga Sanca.

Waxaana Weerarradaas ku dhintey ugu yaraan 22 qof labada dhinacba, sida ay sheegeen saraakiishu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.