Ambassador Safiina Oo Iska Casilay Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga Waddani

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha xidhiidhka dawladaha Carabta iyo wadamada Islaamka u qaabilsan xisbiga Waddani, Ambassador Axmed Safiina ayaa iska casilay xisbiga Waddani.

Qoraal is-casilaad ah oo Ambassador Axmed Safiina uu u qoray Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu u madaxanaanaado arimo gaar ah oo ay ka mid yihiin dhamaystirka waxbarashada Jaamacadda ee shahaadada PHD-da, oo uu tilmaamay Ambassador-ku inay uga baahan tahay wakhti iyo dedaal dheeri ah, sidaa darteedna uu ka codsaday inuu ka aqbalo iscasilaadiisa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Qoraalka Iscasilaada ee Ambassador Axmed Safiina, Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka, uu ku socodsiiyey Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa u dhignaa sidan:-

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa isna dhinciisa ka jawaabay codsiga Ambassadorka, waxaanu war-qoraal ah oo uu soo saaray uu ku sheegay inuu ka aqbalay;-