Madaxweyne Biixi Oo Cisbitaalka Ku Booqday Xasan Ciise Jaamac

Madaxweyne Biixi Oo Cisbitaalka Ku Booqday Xasan Ciise Jaamac

Isu Duwaha Wasaarada Deeganka Ee Gobalka Saaxil Oo Kormeer Ku Tagay Deegano Hoos Yimada Saaxil
Diyaarad Si khalad ah u Fadhiisatay Magaalo aanay ku Socon.
Bileyska Somaliland Oo Xidhay Saxafigii 3aad Ee Ka Tirsan Shabakada Hadhwanaag
Akhriso: Wasiirrada Ay Saamaysay Xil Ka Qaadista Uu Sameeyay Madaxweyne Biixi Iyo Wejiyada Cusub Ee Xukuumadda
Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeer Xaasaasi Ah

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Cisbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa ku booqday Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo Xaalad Caafimaad-darro la soo deristay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay  cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey mujaahidka, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo katirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira..”

           

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: