Puntland: Booliska Oo Fashiliyey Miino Culus Oo La Doonayey In Shacabka Lagu Qarxiyo

Boosaaso (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay inay ka hor tageen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo Shacabka Puntland.

Ciidammada Booliska oo kaashanaya kuwa Argagixiso la dirirka ah ee PSF ayaa sheegay in Miinada la doonayey in lagu aaso mid ka mid ah Jidadka Magaalada Boosaaso lagu qariyey Guri halkaa ku yaalla, balse Ciidammadu ka hor-tageen, ka dib markii ay Dad Shacab ahi booliska War-geliyeen, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo Warbaahinta la hadlay.

Taliyuhu wuxuu u Mahad-celiyey Ciidammada ka hor-tagay Qaraxaasi, waxaanu yidhi “Cid kasta oo nagala shaqaysay waan uga Mahad-celinayaa inay Gacan ka geysteen, laakiin waxaan si gaar ah ugu Mahad-celinayaa Ciidammada Booliska iyo PSF, qolada Miinada, waxaan leeyahay shaqo ayaad gudateen..”

Miinada lagu qariyey Guriga ee la doonayey in lagu aaso mid ka mid ah Waddooyinka Magaalada Boosaaso, ayaa ahayd Miinada Gaadiidka loo dhigo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka