Sucuudiga Oo Beeniyey War Sheegaya In Boqortooyadu Ka Dambaysay Jabsashada Telefoonka Jeff Bezos

Washington, (HCTV) – Safaaradda Sacuudi Carabiya ay ku leedahay magaalada Washington, DC ayaa meesha ka saartay war ay saxaafadu baahisay oo sheegaya in boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ka dambeysay jabsashada taleefanka gacanta ee mulkiilaha Washington Post iyo aasaasaha Amazon, Jeff Bezos.

Ilo wareedo aan la magacaabin oo uu soo xigtay Wargeyska maalinlaha ah ee Ingiriiska ee The Guardian ayaa ku waramay salaasadii in bilyaneerka tilifoonkiisa la jabsaday 2018 ka dib markii uu helay fariin WhatsApp ah oo sida muuqata laga soo diray akoonkiisa shakhsiga ah ee dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman (MBS).

Wararkii ugu dambeeyay ee warbaahinta tabinayso ayaa sheegaya in boqortooyadu ay ka dambeysay jabsashada taleefanka Mr Jeff Bezos, balse Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa barta ay ku leedahay Twitterka ku qortay “waa wax aan macquul aheyn”,.

Dhanka kale, Washington Post ayaa qortay in baadhitaan Qaramada Midoobay uu soo bandhigi doono maalinta arbacada in taleefanka Bezos la jabsaday ka dib markii uu helay fariin WhatsApp ah oo laga soo diray barta sheegay inuu leeyahay Boqor Maxamed Bin Salman.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.