Xanuun Shiinaha Ka dillaacay Oo Deg-deg Ugu Fiday 12 Dal Oo Kale

Chine (HCTV) – Xanuunnka ku dhaca Neef Mareenka ee Coronavirus oo dhawaan ka dillaacay Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafaya Dunida oo dhan.

Xanuunkan, waxa illaa hadda Dalka Shiinaha ugu Geeriyooday 41 Qof, waxaana uu soo ritay oo u jiifa Dad tiradoodu ka badan tahay 1,287 Qof, inkasta oo la joojiyey in laga baxo ama la soo galo Magaalada Wuhan oo ah halka uu Xanuunkani ka bilaabmay.

Xanuunkan oo si deg-deg ah u faafaya, ayaa la xaqiijiyey inuu gaadhay Dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Waddamo oo Qaaradda Aasiya ah, xilli la joojiyey Malaayiin Qof oo Shiine ah oo Doonayey inay u kala dhoofaan Dunida.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee loo Magaceedu yahay WHO ayaa sheegtay in inaan xilligan lagu dhawaaqi karin Xaalad deg-deg ah oo Xanuunkan Dalalka kale loogaga digo.

Wararkii u dambeeyay Xanuunkan ayaa sheegaya in Sabtida Maanta Dadka uu ku soo ritay Gudaha Shiinaha Tiradoodu dhan tahay 1300, kuwaasi oo badankooda uu ku soo ritay Magaalada Wuhan.

Waxa kale oo uu Xanuunkani Dad ku soo ritay Dalalka Faransiiska, Japan, Australia, Malaysia, Nepal, Singapore, South Korea, Taiwan, Thailand, Maraykanka iyo  Vietnam.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka