“Waxaanu Haynaa Liiska 30 Wariye Oo Laga Masruufo Somalia” Xukumada Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo xubno ka socday Warbaahinta Somaliland iyo ururka suxufiyiina Somailand ee SOLJA ayaa lagu lafa-gurayey doorka ay saxaafadu ka qaadan karto nabadda Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo sheegay inay dawladda ahaan (Somailand) ay hayaan liiska Wariyeyaal iyo Telefishano dawladda Soomaaliya lacago ka qaata, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Maxamed Kaahin oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anagu doonimayno Saxaafada Somaliland iyo dawladdu inay coloobaan ma rabno, ma doonayno inaanu noqono qolo wax fadhaysa oo saxaafada fadhaysa oo saxaafada ay is cadaawadaysanayaan, liis ayaan halkaa ku hayaa sodon wariye iyo telefishan ayaan halkaa ku hayaayoo dawladda Soomaaliya lacag ka wada qaata, maanta miyaad maqasheen cid dawladda ka tirsan intay idin soo horfadhiisatay ay idinku tidhi intaasaanu haynaa.

Dawadd waliba sibaa wararka loo helaayoo, wararka waxa dawladd loo yahay in war la helo, ma doonayno markaa in aanu ku degdegno ama dawladdu ay aad ugu degdegto in arimaha noocaas ah mushkiladda laga dhigo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanay habluhu ku jirin,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay.

https://www.youtube.com/watch?v=r5_PyBWiSV8