Somaliland & Puntland Oo Isku Haysta Taariikhdii Daraawiishtii Maxamed Cabdalle Xasan

Somaliland & Puntland Oo Isku Haysta Taariikhdii Daraawiishtii Maxamed Cabdalle Xasan

Milatariga Kenya Oo Mar Kale Burburiyey Shirkadda Ugu Weyn Isgaadhsiinta Somalia
Maraykanka Oo Qabtay Hub IRAN Farsamaysay Oo Yemen Loo Sii Waday
Qadar Airways Oo Markii 5-Aad La Aqoonsaday
Kornayl Ka Mid Ahaa Taliskii Maxamed Siyaad Barre Oo Maxkamaddi Xukuntay
Booliska UK Oo Sheegay In 39 Mayd Ee Laga Helay Gaadhiga Dhamaantood Ay Chinese Yihiin

Garoowe (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Garoowe ayaa isagoo daba socda hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay, wuxuu sheegay in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin “Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid (Waxa leh) Hargeysa..” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaanu intaa ku daray “Ninkaa waxaanu leenahay ‘Aa la tahay’ Iska hadlow ina igarre..”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Halgankii Daraawiishta ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xusay ee ku qoran Dastuurka Somaliland.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: