Shirka Is-dhexgalka Geeska Afrika Oo Ka Furmay Asmara

Asmara, (HCTV) – Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ayaa waxa ka furmay shir saddex geesood ah oo ay wadayeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kadib gallinkii hore ee maanta uu halkaa gaadhay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk ayaa iyaguna qeyb ka ah kulankan oo lagaga arinsanayo guud ahaan xaalada iyo dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Madaxda ayaa sidoo kale isla qiimeyn doona midho-dhalka  tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka  diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha  lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran  Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.