Burco: Laba Carruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Gurigooda

Burco (HCTV) – Inta la ogyahay laba Carruur ah oo Walaalo ahaa ayaa ku Geeriyooday dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalla Magaalada Burco.

Labada Carruur ah ee ku dhintay dabka ka kacay Gurigooda ayaa ahaa Wiilal.

Dabkan oo ka kacay Guriga oo ku yaalla Xaafadda Balaasa ee Magaalada Burco ayaa waxa sidoo kale dhaawac ka soo gaadhay gabadh yar oo ay Walaalo ahaayeen labada Wiil ee Geeriyooday.

Sidaana waxa xaqiijiyey Taliye ku-xigeenka Ciidammada dab-damiska ee Magaalada Burco, Jimcaale Faysal Aw Cabdi, waxaanu yidhi “Dabku wuxuu ahaa (ka kacay) Guri Jiingad ah iyo Guri Buul ah oo isku yaalla, Ciidanku waxay muddo gaaban ayay halkaa ku gaadhaan, dabkiina way xakameeyeen..”

Taliye ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Halkaa waxa ka dhacay Khasaare nafeed, waxaana Geeriyooday laba Carruur ah oo ah Wiil 2 sano jir ah iyo wiil 3 jir ahaa iyo Gabadh yar oo dhaawac ah..”

Dabka ayaa kacay Abaaro 2:00-dii habeenimo ee Xalay, sida Taliye ku-xigeenka Ciidammada dab-damisku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka