Soomaaliya: Wasiirkii Amniga Jubbaland Ee Muqdisho Ku Xidnaa Oo Baxsaday

Muqdisho (HCTV) – Wasiirkii hore ee Amniga ee Maamul-gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan) ayaa ka baxsaday Gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhowrkii bilood ee u dambeeyay u xidhnaa, ka dib markii laga qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan.

Baxsashadiisa ayaa waxa xaqiijisay Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen oo Qoraal ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya ma faahfaahin sida ay Cabdirashiid Janan ugu suurto-gashay inuu ka baxsado goob gaar ah oo uu Dawladda Soomaaliya ugu xidhnaa, balse waxay sheegtay in Hay’adaha amnigu baadi-goobayaan.

General Zakiya waxay Shacabka ka codsatay inay Booliska la soo socodsiiyaan, haddii ay meel uun ku arkaan Cabdirashiid-janan.

Cabdirashiid-janan ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilligii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed-madoobe oo Xurguf weyni u dhaxayso Dawladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka