Itoobiya Oo Meel Gaar Ah Ku Kaaraatimaysay 4 Qof Oo Looga Shakiyey Xanuun Dunida Deg-deg Ugu Faafaya

Addis Ababa (HCTV) – Afar Qof oo looga shakiyey inay qaadeen xanuunka Neef-mareenka ku dhaca ee coronavirus ee Xilliga Dunida aadka ugu faafaya ayaa lagu Kaaraantimeeyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Laga soo bilaabo Arbacadii Toddobaadkii hore, dhammaan Dadka ka imanaya Dalka Shiinaha waxa lagu baadhayey Xaaladdooda Caafimaad Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport, si looga hubiyo Caabuqa coronavirus.

Shir-saxaafadeed ay Maanta ku qabatay Magaalada Addis Ababa, Wasiirka Da’da yar ee Caafimaadka u qaabilsan Itoobiya iyo Masuuliyiin kale, ayaa sheegay in Afartan Qof ee looga shakiyey xanuunkan isla-markaana la kaaraantimeeyay ay dhammaantood yihiin Itoobiyaan.

Saddex ka mid ah Afarta Qof ayaa ah Arday ka soo noqday Jaamacadaha Shiinaha ee ku yaalla Magaalooyinka ku dhow Wuhan oo ah Magaalada uu markii koowaad Xanuunkani ka dillaacay ama lagu arkay.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhiigga laga qaaday Afartan Qof ee Xanuunka looga shakiyey lagu soo baadhayo Dalka Koonfur Afrika.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa baadhitaan hubin ah ku samaysay illaa 22,000 Qof, si looga digtoonaado Virus-kan dilaaga ah.

Xanuunkan ayaa Haatan Dalka Shiinaha ku dilay 100 Qof, iyadoo la xaqiijiyey inuu soo ritay 4,500.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka