Wararkii U Dambeeyay: Xanuunka Dunida Ku Faafaya Oo Imaaraadka Gaadhay

Chine (HCTV) – Tirada Dadka Shiinaha ee u Geeriyooday Xanuunka coronavirus ayaa gaadhay 132 Qof, halka Dadka u jiifaana gaadhayaan 5,974.

Masuuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in Dadka cusub ee u Geeriyooday coronavirus ay ku dhinteen Magaalada Wuhan oo ah Caasimadda Gobolka Hubei.

Xanuunkan ayaa Gudaha Shiinaha illaa hadda ku dhacday 5,974 Qof, halka waddamada kale ee Dunidana Dadka uu ku dhacay ee Cisbitaallada jiifa ay tiradoodu dhan tahay 26 Qof, sida Warbaahinta Dunidu ku warramayso.

In ka badan 56 Million oo ku nool Magaalooyinka Shiinaha oo ay ku jirto Magaalada Wuhan ayaa laga mabnuucay inay safraan, si looga digtoonaado in Xanuunku sii faafo.

Dhanka kale, coronavirus oo si deg-deg ah Dunida ugu faafaya ayaa Wasaaradda Caafimaadka ee Imaaraadku waxay sheegtay in Qoys ka yimid Dalka Shiinaha oo Imaaraadka tagay laga helay xanuunkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka