Maamulka Jubbaland Oo Jawaab Ka sugaysa Dawladda Federaalka Soomaaliya

Jubbaland (HCTV) – Ka dib, markii Shalay Taliska Ciidammada Booliska ee Soomaaliya sheegay in Wasiirkii hore ee Amniga ee Jubbaland oo ku xidhnaa Muqdisho uu baxsaday, waxa Jubbaland sheegtay inay ka wer-wersan tahay bed-qabkiisa.

Jubbaland oo War qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay inay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu u xidhnaa Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan) ay ka doonayaan inay meel uun ku sheegaan Siyaasigaasi Boolisku sheegay inuu ka baxsaday.

Jubbaland waxay sheegtay in Dawladda Federaalku qaadayso Masuuliyadda wax kasta oo ku yimaadda Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka