War-bixin: Maraykanku Wuxuu Sannadkii 2019, Afghanistaan Ku Dhuftay 7,423 Gantaal

Afghanistan (HCTV) – Ciidammada Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistan, sannadkii tagay waxay dalkaa ka fuliyeen duqayn ka badan Duqaymihii ay fuliyeen tobankii sanadood ee ka horreeyay 2019-kii.

Sidaana waxa laga soo xigtay Xarunta dhexe ee Maamulka Ciidammada Maraykanka, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV uu ka soo xigtay.

Ciidammada Cirka ee Maraykanku waxay Afghanistan oo ay kula dagaalamaan Kooxda Daalibaan ku rideen sanadkii u dambeeyay 7,423 Gantaal, tiradaas oo ka sare martay Tiradii la sheegay sannadkii ka sii horeeyay oo ahayd 7,362, sid lagu sheegay War-bixin ay Isniintii baahisay Xarunta dhexe ee Maamulka Ciidammada Maraykanka.

Tiradan ayaa muujinaysa korodh aad uga weyn Duqaymihii uu Maraykanku u dalkaa ka sameeyay sannadkii 2009, xilligaasi oo uu Maraykanka xukumayey Barack Obama.

sannadkii 2009 waxa Ciidammada Maraykanku ay gudaha Afghanistan ku dhufteen 4,147 Bambo, iyagoo ku andacoonaya inay beegsanayaan dagaalyahannada Daalibaan.

Maraykanka ayaa illaa sannadkii 2016 oo la doortay Madaxweyne Trump wuxuu kordhiyey duqaymaha uu ka geysto Gudaha Afghanistan.

Laakiin, lixdii bilood ee u horreeyay sannadkii 2019, waxa Bambooyinkaa ay Ciidammada Maraykanku ridayaan ku dhintay 717 Shacab ah, sida Al-jazeera sheegayso.

Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha ayaa walaac ka muujinaya in korodhka Duqaymaha Cirka ee Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Afghanistan oo iskaashanayaa ay ka geysanayaan guud ahaan Dalkaasi inay sii kordhinayso khasaaraha shacabka soo gaadhaya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka