War-bixin: Tirada Maxaabiista Somaliland Ku Xidhan Iyo Xaaladda Saldhiyada Booliska

Hargeysa (HCTV) – War-bixin dheer oo ay soo saareen komiishanka xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa lagu faahfaahiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin Maxaabiista ku xidhan guud ahaan Xabsiyada Somaliland.

Komiishanka Xuquuqal iisaanka Somaliland oo baahiyey War-bixinta sannadkii dhammaaday ee 2019-ka ayaa sheegay in guud ahaan ay Xabsiyada Dalka ay ku jiraan Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 2,317, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haysto.

Komiishanku xuquuqal iinsaanku wuxuu sheegay in Xaaladda Nololeed ee Maxaabiistu wanaagsan tahay guud ahaan Dalka, marka laga reebo Cuntada oo Maxaabiistu sheegeen inay helaan saddexda wakhtigaba, laakiin ay ku yar tahay.

Sidoo kale, waxay war-bixinta oo dheer lagu sheegay in Xabsiyada ku yaalla Magaalooyinka qaar, sida Ceel Af-weyn, Gar-adag iyo Laascaanood iyo Caynaba ay Maxaabiistu dhibaato ku qabaan biyaha oo adag, isla-markaana aan la cabbi karin, laguma maydhan karin.

War-bixinta waxa kale oo lagu sheegay inay jiraan Dad Jeelasha ku xidhan oo wakhtigii ciqaabtu ka dhamaaday, balse illaa hadda lagu leeyahay deyn. Komiishanku wuxuu sheegay in isagoo kaashanaya Hay’adda Zekada ee Somaliland iyo Dad Muxsiniin ah uu deyntaa ka bixiyey 9 Qof, laakiin illaa hadda  ay xidhan yihiin 36-kii kale.

Dhanka kale, War-bixinta Komiishanka xuquuqal iinsaanka ayaa lagaga dayriyey Xaaladda dhismayaasha Saldhigyada Booliska ee Magaalooyinka dalka, waxaana lagu war-bixintaasi in dhismayaasha saldhigyadu u badan yihiin Qolal yaryar oo gaboogabay, iyagoo yaryarna lagu wada xidho Maxaabiis badan, taasi oo keeni karta Caafimaad-darro iyo Nadaafad-darro.

Sidoo kale, waxa War-bixin-sannadeedkan 2019-ka ee Komiishanka Xuquuqal iisaanka Somaliland lagu sheegay in dhibaatada ka jirtaa tahay gaadiid yaraan, taasina ay cabaqad ku tahay in Ciidammada Boolisku ay waajibaadkooda u gutaan si hufan.

War-bixinta uu Komiishanka xuquuqal iisaanku soo saaray ayaa ka kooban 68 Bog, waxayna kaga warrameen dhacdooyinka waajibaadkooda la xidhiidha ee soo maray sannadkii dhammaaday ee 2019-ka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka