Ruusha Oo Doonaya Inuu Saldhig Milatari Ka Samaysto Xeebta Berbera

Moscow, (HCTV) – Saraakiil Ruush ayaa la sheegay inay isha ku hayaan inay saldhig milatari ay ka samaystaan Xeebaha Somaliland gaar ahaana magaalo dekedeeda Berbera, oo xuduud dhinaca badda ah la leh gacanka Cadan, sida ay ku warameen saraakiil ka tirsan waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka.

Ruushka ayaa u arka saldhig uu ku yeesho magaalada Berbera mid muhiim ah, maadaama oo dalalka Shiinaha iyo Maraykanku ay saldhigyo milatari ay ku leeyihiin dalka Djibouti, oo xeeb isku mid ah ay ku taalo magaalada Berbera oo aad muhiim ugu ah.

Waxaanay Ruushu ay sidoo kale muujinayaan xiligan siday u danaynayaan dhismaha saldhig dhinaca badda ah oo ay ku yeeshaan Eritera, balse ma cada mudada ay qaadan doonto wadaxaajoodka arintani, sida ay u sheegeen Wargeyska New York Times saraakiil Maraykan ahi.

Qiyaastii 1,500 mayl koonfur ah, gaar ahaana dhinaca xeebta bari ee Afrika, ayaa diyaaradaha milatariga Ruushku waxay ka soo degeen xagaagii hore Gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique, sida laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah, waxaanu Ruushu halkaasi geeyey 160 shaqaale oo ka tirsan kooxda Wagner, oo ah qandaraaslayaal militari oo ah shirkadd gaar ah oo Ruushku leeyahay. Dowladda Mozambique waxay shaqaaleysiisay calooshood u shaqeystayaal Ruush ah si ay uga caawiyaan ciidamada amniga maxalliga ah ee liita inay la dagaallamaan kacdoonka ay sheeganayaan inay ku lug leeyihiin Kooxda Daacish. Ugu yaraan toddobo shaqaale Ruush ah ayaa lagu dilay hawlgallada, saraakiisha Mareykanka ayaa leh, iyagoo hoosta ka xariiqay khatarta ay wajahayaan ciidamada inay shaqaaleysiiyaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA