Maraykanka Oo Joojiyey Laba Duulimaad Oo U Safri Lahaa Shiinaha

Washington, (HCTV) – dalka Maaraykanka ayaa si kumeelgaadh ah u joojiyey duulimaadyada laba diyaaradood oo iskaga kala gooshi jiray Maraykanka iyo Shiinaha.

Duuliyeyaasha iyo rakaabkii raaci lahaa ayaa lagu wargaliyey in la joojiyey. Shirkadaha Delta Air Lines Inc iyo American Airlines Group Inc ayaa go’aansaday Jimcaha maanta in si kumeel gaadh ah loo joojiyey duulimaadiyadii iskaga kala gooshi jiray Maraykanka iyo Ruushka, halka waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanku ay soo saartay digniino ku wajahan dadka socdaalaya oo ku saabsan Viruskan.

Joojinta duulimaadyadan ayaa ku soo beegmaya xili dalalka Ruushka iyo Ingiriisku ay sheegeen in dalalkooda laga helay kiisaskii u horeeyey eek u saabsan Virus-ka cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha iyo maalin ka dib markii hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ay ku dhawaaqday Xaaladda degdega ah ee  fiditaanka Viruskan.

Ugu yaraan dalka Shiina waxa ugu geeriyooday 213, halka dalal farabadan ay ku dhawaaqeen qorshe ay muwaadiniintooda ay kaga daadguraynayaan muwaadiniintooda gobolka Huwan, oo ah xudunta magaalada Shiinaha ee xanuunkani uu ka dilaacay.

Beijing ayaa sheegtay in ugu yaraan 9,809 qof la xaqiijiyey inuu asiibay Coronavirus, kaas oo ku faafay laga bilaabo Wuhan ee gobolka Hubei oo ka mid ah 31-ka gobol ee Shiinuhu ka kooban yahay.

Halka Dad gaadhaya 102,000 qof lagu soo waramayo in lagu wado baadhitaan caafimaad oo ay suuragal tahay in lagu arko calaamadaha caabuqa neef-mareenada asiibaya.

Shiinaha ayaa waxa uu ka dalbaday 200 million oo marada wajiga iyo afka lagu xidho oo ay ku deeqday shirkadd caafimaad oo Turkish ah, tobankii maalmood ee la soo dhaafay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.