Liverpool Oo Booliska Ku Wareejisay Muuqaal laga Soo Duubay Maxamed Salaax

Muuqaal muujinaya weeraryahanka kooxda Liverpool Maxammed salaax isaga oo gaari wada taleefanka gacantana isticmaalaya marka uu kooxda soo gaadhay kooxda waxay ku wargelisay booliska.

Kooxda Liverpool boggeeda Tweeterka waxay ku qortay inuu Saalax uu Moobaaylkiisa eegayey waxa uu xilligaasi eegayeyna baaritaan ay ku wadaan.

Afhayeenka Kooxda wuxuu sheegay ka hor inta ay booliska wargelinin iney ciyaartooyga arrinta ka wada hadleen. Wuxuuna afhayeenku intaa ku daray inuu diyaar u ahayd iney ciyaartooyga iyo kooxduba faahfaahin intaa dheer ay arrinta ka bixiyaan

Muuqaalka baraha bulshada sida weyn looga baahiyey wuxuu muujinayaa ciyaartooyga u dhashay dalka Masar isaga oo gaarigiisa wada moobaaylkana daalacanayo.