Waa Kuma Raysal Wasaaraha Cusub Ee Ciraaq?

Baqdaad, (HCTV) – Laba bilood ka dib degenaansho la’aan siyaasadeed oo ka jirtay dalka Ciraaq, waxa uu Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih uu maalintii shalay magacaabay Mohammed Allawi inuu bedelo Raysal Wasaarihii hore Adel Abdul Mahdi, oo is casilay dabayaaqadii bishii November kadib markii uu wajahay dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dawlada.

Waxaana la filayaa in Raysal Wasaaraha cusubi uu mudo bil ah uu ku soo dhiso dawladiisa si  ay u ansixiyaan golaha Baarlamaanka dalkaasi ee sida weyn u kala qaybsan.

Raysal Wasaarahan cusub ee xilka dalkaasi hayn doona ilaa horaanta doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan, oo wali aan la midayn.

Raysal Wasaarahan la magacaabay ayaa hore u ahaa Wasiirka Is-gaadhsiinta dalkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.