Soomaaliya: Maamulka Gal-mudug Oo Yeeshay Madaxweyne Cusub

Galmudug (HCTV) – Baarlamaanka Maamul-gobolleedka Puntland ayaa doortay Madaxweyne cusub oo Maamulkaasi yeelanayo.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ka mid ahaa Musharraxiinta u tartamayey Madaxweyne-nimada Gal-mudug ayaa si rasmiya loogu doortay Madaxweynaha Maamulkaasi, ka dib markii uu helay 66 Cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Saddex Musharrax oo la tartamayey ayaa helay codad aad u yar, waxaana ka mid ahaa Axmed Cabdillaah Samatar oo helay 9 Cod, halka labada Musharrax ee kalena ay Doorashada ka heleen min Hal Cod oo keliya.

Ugu dambayn, Natiijada Doorashada uu ku guulaystay Mr. Qoor-qoor ayaa waxa hambalyeeyay Safiirka Dawladda Maraykanka u jooga Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka