Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyeeyey Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha dawladda Federalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka cusub ee loo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

Sida lagu sheegay dhambaal hambalyo ah oo kooban oo la soo dhigay barita Twitter-ka oo ka soo baxday Madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalia ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen midho-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug.

Waxaanu u rajeeyey shacabka Galmudug isbeddel midho-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Ugu dambayntii Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.