Xukuumadda Somaliland Oo Taagii Labaad Oo Casriya Usoo Iibisay Dekeda Berbera

Istanbul, (HCTV) – Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo xukunka haysay muddo laba Sannadood oo keliya, ayaa Dekeda Caalamiga ah ee Berbera usoo iibisay Taagii labaad oo Casriya, isla markaana la Mataano ah kii hore ee sanad iyo badh ka hor dawlada Somaliland usoo Iibisay Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku sugan Dalka Turkiga gaar ahaan Dekeda weyn ee Tusla, ayaa ku guuleystay inuu sanadkii labaad usoo Iibiyo Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Taag casriya oo lamida kii uu 2018-kii usoo Iibiyey Marsada Berbera , kaasoo ay baahi weyn u qabtay, isla markaana wax Badan ka qabtay baahiyihii jiray, hase yeeshee uu dhowaan dhamaan doono dhismaha Dekeda Cusub ee 400, ah.

Maareeyaha Dekedaha waxa safarka ku wehelinaaya labo Nin oo ah Khubuuro ku xeel-dheer Taagag-ga, horena ula soo Iibiyey kii hore ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi usoo iibisay Dekeda Berbera, ayaa lamid ah kii hore, isla markaana la isbeerbaadh ah, isagoo ay ku shaqayn doonaan hawlwadeenadii muwaadiniinta ahaa ee hore ugu shaqayn jiray Taaga Casriga ee hada ay ku shaqayso Dekedu, kuwasoo iyaggu muddo sanaad iyo badh ah dalka ku qaatay tabo-bar Caalamiya.

Maareeyaha Dekeda Berbera oo si Kooban Warbaahinta ula Hadlay, ayaa sheegay in Taagan iyo kii hore ay yihiin Mataano walaalo ah, dhinac walbana iska metelaan, Maareeyaha oo arimaha ka hadlay waxa uu yidhi, “Hada waxa ku suganahay dalka Turkiga, gaar ahaan Magaalada Istanbul Dekeda weyn ee la yidhaahdo Tusla, Safarka waxa igu weheliyaa, laba Nin oo Khubuuro ah, oo ka socda BNO, waana Nimankii ila soo Iibiyey Taagii hore, waxanay aqoon dheeraadau leeyihiiin Taagaga, waxananu 29/1/2020-ka kusoo Guuleysanayn Taagii hore mataankiisii labaad. Sababta aanu Mataankiisa labaad usoo Iibinaynaa waxa weeye, maadaama oo sanaad iyo shan biloo Macalimiin khubuuro ah, aanu keenay Dekeda, kuwasoo tabobaray Taag-masteradii cusbaa ee Somaliland, si aan tabobar kale loo gelin, ayaanu u dooranay mid lamida kii hore, labada Taagna waa isku isbeerbaadh iyo isku aqoon labadaba. waana Ilahay Mahadii inaynu gacanteena ku jiro, oo ay Maanta Dekedda Berberi leedahay laba Taag oo Casriya”. ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.