Booliska London Oo Toogtay Nin Mindi Ku Dhaawacay Saddex Qof

Booliska London Oo Toogtay Nin Mindi Ku Dhaawacay Saddex Qof

Xisbiga WADDANI oo Dhaliilay Natiijada Safarkii Madaxwayne Biixi ee Addis Ababa
Suxufi Ka Mid Ahaa Qoreyaasha Caanka Ah Ee Somaliland Oo Geeriyooday
Shimbiro Bakhtigooda Bac Lagu Mooriyey Oo Laga Reebay Rakaab Shiinaha Ka Tagay
Maleeshiyo Islaamiyiin Congolese Ah Oo Weerar Ku Dilay 12 Qof
Maqaal: Labadan Talaabo Haddii La Qaado Waxay Kor U Qaadaysa Sumcadii Somaliland

London, (HCTV) – Ciidamada Booliska ee magaalada London ayaa toogtay nin dad ku weeraray wado mashquul badan oo ku taala koonfurta magaalada London.

Weerarka Mindida ah ayuu ku dhaawacay saddex qof, waxaanay ciidamada bileysku ay ku sifeeyeen oo ay la xidhiidhiyeen fal Argagixiso. Mid ka mid ah saddexda qof ee dhaawacmay ayaa xaaladd culus ku jira.

Waxaana markii dambe ciidamada bileysku ay ku toogteen badhtamaha wadada Streatham.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka ku hubaysnaa Mindidu uu galay dukaan kadibna uu bilaabay inuu dadka Mindida la dhaco ama ku weeraro.

Waxaanu dukaankaasi uu ka baxay kadib markii uu Mindida ku dhuftay haweenay.

Adeega gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay inay dawaynayaan saddex qof oo ku dhaawacmay weerarkaasi oo dhamaantoodba loo soo qaaday cusbitaalka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: