Gudida Joogtada Wakiilada Iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Oo Ka Wadahadlay Tabashooyinka Dadweynaha

Hargeysa, (HCTV) – Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), waxaana kulankaasi labada dhinac ay kaga wadahadleen, arimo ku saabsan dhaqaalaha Somaliland oo ay ka mid tahay tabashooyinka dadweynuhu ay qabaan ee ku saabsan hoos u dhaca qiimaha dollarka, heerka sicir bararka Somaliland ka jira iyo Arimo kale.

Ugu horayna Xildhibaan Maxamed Axmed Carabayto oo ka mid ah guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo ka wakiil ah, Golaha Baarlamaanku inta uu fasaxa yahay, waxaanu xafiiska kulla kulanay Gudoomiyihii Banigaga Dhexe, mudaa halkan la isku waraystay, warbixin buuxda ayuu na siiyey, xildhibaanaduna su’aalo ayay waydiiyeen. Wax allaala iyo wixii shacabku dareemayey iyo wixii aanu dareemaynay intaba waanu waydiinay, waxaanu aad iyo aad uga mahadnaqaynaa inuu si wanaagsan nooga shaafiyey, wax war ahna aanu nagala hadhin” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Axmed Carabayto.

Sidoo kale Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo isaguna kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Hadaanu nahay Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland, waxay naga waraysteen iyagoo waajibaadkooda gudanaya, xagga dhaqaalaha iyo wixii Bangiga dhex uu qabtay sanadkii ina dhaafay, waxyaabaha ugu waaweynaa ee aanu ka wadahadlay waxa ugu waaweynaa tabashooyinka dadweynahu ay qabaan waxyaabaha qaarkood. Tusaale ahaan hadaan soo qaado ay ka mid yihiin; Qiimaha dollarka oo qiimihiisu hoos u dhacay iyo maceeshada oo dadka qaar ay yidhaahdeen ma wada-socdaan, su’aashaas waanu ka jawaabnay, waxaananu siinay daraasadd aanu samaynay oo baanka dhexe sameeyey August 2019-kii oo muujinaysa inay wada-socdaan maceeshada iyo qiimaha dollarka ee hoos u dhacay, taas oo qoraal ah ayaanu siinay.

Waxa kale oo guddidu ay naga waraysatay xagga dhaqaalaha, tusaale ahaan sicir bararka qiimaha shilling-ka iyo waxyaabo kale oo la mid ah, markaa intaaba waanu uga jawaabnay qiimaha shilling-ka Somaliland oo kor u kacay boqolkiiba 21%, laga soo bilaabo April 2018 ilaa iyo imika 2020, oo maanta uu marayo halkii dollar ($1=8500SLSH) sideed kun iyo shan boqol, iyo sicir babarkii oo hoos u dhacay oo maraya 4.5%, Sicir Babarka ka jira Somaliland.

Marka la eego wadamada inagu xeeran Uganda oo kaliya ayaa inaga hoosaysa oo ah 3.6% Inflation rate-ku, Kenya waa 5.8%, Ethopia waa 18.5%, Sudan waa 58%, waa bishii December 2019-kii. Halkaa waxa ka muuqata in Somaliland kaalmaha ugu hooseeya ay kaga jirto wadamada Afrikaanka ah ee inagu xeeran xagga sicir bararka,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo maanta kulan la yeeshay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.