Madaxweyne Farmaajo Oo Saxeexay Sharciga Baatroolka Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxeexay Sharciga Baatroolka dalka Soomaaliya, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanku ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galka sharcigaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka Soomaaliya waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa horey u diiday sharcigaan, iyagoo ku tilmaamay inuu horseedayo isqab qabsi iyo colaad sokeeye.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.