Uganda: Danab Dilay 4 Ka Mid Ah Daanyeerka Goriilaha + SAWIRRO

Uganda (HCTV) – Afar ka mid ah Daanyeerka loo yaqaano Goriilaha ayaa ku dhintay Buuralayda Koonfur-galbeed ee Dalka Uganda, gaar ahaan Beerta Xayawaanka ee Mgahinga National Park.

Daanyeerkan ayaa dhintay, ka dib markii uu ku dhacay Danab ka dhashay Roob duufaan watay isla-markaana dhagax-yaale ahaa oo halkaa ka da’ay.

Dhimashada Goriilahan ayaa dhacday Toddobaadkii hore, sida uu ku warramay Wargeyska The National oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Danabka ayaa saddexdii bishan February dilay Saddex Goriilaha dhedig ah, kuwaasi oo midkood Caloosha Ilmo ku sidday ama Rimanayd.

4-ta Daanyeerka Goriilaha ee danabku laayey ayaa ka mid ahaa Qoys daanyeero oo ka kooban 17, kuwaasi oo ku dhaqan Beerta Xayawaannaadka ee Mgahinga National Park ee dalka Uganda.

Hadda Qoyskii Daanyeerrada Goriilaha ee ka koobnaa 17-ka, waxa hadhay 13.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka